Qarax ka dhacay Afghanistan oo lagu dilay 15 arday oo ku sugnaa dugsi quraan

Map showing the location of Aybak, Afghanistan.

ISLAMABAD – Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 15 arday ay ku dhinteen halka ay dhaawacmeen 27 kale, ka dib markii qarax lagu weeraray goob lagu barto diinta ama madarasad ku taalla woqooyiga gobolka Samangan.

Imdadullah Mahajer, oo ah madaxa warfaafinta iyo dhaqanka ee gobolka Samangan ayaa VOA-da khadka taleefoonka ugu xaqiijiyay khasaaraha. Faahfaahin intaas ka badan kama bixinin weerarka, sidoo kale ma sheegin inuu ahaa bam ama miino la aasay iyo inuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo sababay qaraxaas.

Afhayeeh u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Taliban oo lagu magcaabo Abdul Naafi Takoor ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay caasimadda gobolka ee Aybak, xilli ay ardaydu ku jireen salaadda casar. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka ee Taliban inay gaadheen goobta isla markaana ay bilaabeen baadhitaan ku aaddan dhacdadan.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, inkasta oo loo tuhmayo in weerarkan ay geysteen ururka ISIS garabkiisa ka dagaalama Afghanistan.