Maalmo un baa naga xiga billaabashada Koobka Kubadda Cagta Aduunka ee 2022 oo12 sanadood kadib markii loo ogolaaday uu martigelinayo dalka Qatar.
Qatar oo ah dal yar oo Carbeed oo ku yaalla Khaliijka Carabta, waxay dhistay garoomaddii lagu cayaari lahaa, jidad waaweyn oo gaadiidku maro oo shan leyn ah iyo khad tareen oo ay ku baxday lacag gaareysa 36 bilyan oo dollar. Waxaa kaloo intaa dheer dhismaha hoteello, guryaha martida, hoteello, makhaayado dukaamo iyo goobo loo damaashaad tago.
Haddaba sida uu yahay diyaar garowga iyo dareenka Doxa, ayaa Maxamed Colaad Xassan uu weydiiyay Fu’aad Axmed Sheekh Ibrahim Madaxa Xiriirka Guud ee Jaaliyadda Soomaalida ee Qatar oo ku sugan magaalada Doxa.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysi: Xaaladda Qatar kahor furitaanka Koobka Adduunka