Uganda: Illaa 11 qof oo cusub oo Ebola ku dhacay tan iyo maalintii Jimcihii

Doctors walk inside the Ebola isolation section of Mubende Regional Referral Hospital, in Mubende, Uganda on Sept. 29, 2022. (AP Photo/Hajarah Nalwadda, File)

Kampala – Masuuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegay in tan iyo maalintii Jimcihii in illaa 11 qof oo cusub oo ku sugan caasimadda Kampala in laga helay xanuunka Ebola, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo faafitaanka xanuunkan.

Maamulka caafimaadka ee Uganda ayaa xaqiijiyay illaa 75 xaaladood oo xanuunka Ebola ah, tan iyo 20-kii bishii Sebtembar, waxaana geeriyooday illaa 28 qof oo ka mida dadka uu xanuunku ku dhacay. Masuuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegay in 19 qof uu xanuunku weli hayo.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) laanta Afrika ayaa todobaadkii hore sheegay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda "inuu si degdeg ah u faafayo," isagoo ku sifeeyay xaalad adag oo soo food saartay shaqaalaha caafimaadka.

Tirada rasmiga ah ee la diiwaangeliyey kuma jiraan, dad beeraley ah oo loo malaynayo in xanuunku ku dhacay ka hor intii aan la xaqiijin, kuwaas oo u dhintay.

AP