Amuuraha Islaamka: Liz Truss oo qorsheyneysa inay Safaaradda UK ee Israa'iil u rarto Qudus
QUDUS MASJID
London —
Ra'isul Wasaaraha cusub ee UK Liz Truss ayaa intii ay ku jirtay ololaheeda doorashada waxay saaxiibada Israa'iil ee xisbigeed u sheegtay inay safaaradda Ingiriiska u rari doonto magaalada Qudus haddii ay ku guuleysato xilka Ra'isul Wasaaraha UK.
Haddaba, barnaamijka Amuuraha Islaamka ee toddobaadkan waxaan kusoo qaadaneynaa inay Liz Truss fulin doonto ballan-qaadkaas, waxaana barnaajimka soo diyaariyay soona jeedinaya wariyaha VOA ee London Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.