Maxkamadda Sare ee Ciraaq: 'Awood sharci uma lihin inaan kala dirno baarlamaanka'

FILE - Followers of Shiite cleric Muqtada al-Sadr fill the parliament hall during a sit-in protest, in Baghdad, Iraq, Aug. 4, 2022. Iraq’s top judicial body said Sunday, Aug. 14, 2022, that it doesn't have the authority to dissolve the country’s parliamen

BAQDAAD – Maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa soo saartay qaraar ay ku sheegayso inaanay awood sharci u lahayn inay kala dirto golaha baarlamaanka ee dalkaas. Go’aankan ka soo baxay maxkamadda ayaa ahaa mid si weyn loo sugayey, xilli ay dalkaas ka jiraan xiisado siyaasadeed muddo 11 bilood.

Go’aanka maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixraacday dastuurka dalkaas oo sheegaya inaanay awood u lahayn inay kala diraan golaha sharci-dejinta, waxaana go'aanka maxkamaddu uu jawaab u ahaa dalab muhiima oo uu watay wadaadka shiicada ah ee saamaynta xooggan leh ee lagu magcaabo Muqtada Al-Sadr.

Kooxda Al-Sadr ayaa ku guulaysatay inta badan codadka doorashada baarlamaanka ee dalka Ciraaq ka dhacday bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, hase ahaatee may helin codad ku filan oo ay ku soo dhisaan xukuumad. Xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta ayaa bishii July, waxay keentay in taageerayaasha wadaadka Muqtada Al-Sadr inay xoog ku galaan golaha baarlamaanka.

AP