Wararkii ugu dambeeyey tirinta codadka doorashada Kenya

Dalka Kenya waxaa weli ka socda tirinta codadka doorashaddii madaxweyne iyo baaralamka ee ay shalay dadku u dareereen.

Afar Murashax ayaa u baratamaya xilka madaxweyne, waxaana ka mid ah, Raila Odinga iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto.

Waryeyaasha VOA-da uga soo warramaya doorashada ayaa soo sheegaya in wax weliba ay caadi ahaayeen Talaadadii shalay, marka laga reebo goobaha codbixinta qaar oo uu dib u dhaca ka jiray.

Haddaba wararkii u dambeeysay ee tirinta codadka iyo maalin kadib doorashaddii shalay waxaa warbixintan ka soo diray Nairobi wariyaha VOA-da Khadar Maxamud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Wararkii ugu dambeeyey tirinta codadka doorashada Kenya