Jigjiga: DDS oo faahfaahisay dagaalkii dhexmaray Al-Shabaab iyo Liyu Police

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Liyuu Booliska Dawlada Deegaanka Soomaalida Zakariye Cabdi Khaliif

Saraakiisha dowladda deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa markii u horreysay si rasmi ah uga hadlay dagaal gudaha deegaanka ku dhexmaray maleeshiyo ka tirsan Ururuka Al-Shabaab iyo ciidanka booliska gaarka ah ee gobolka ee Liyuu booliska loo yaqaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro ku qaaday deegaannada Caato iyo Yeed ee gobolka Bakool ee Soomaaliya oo ah deegaanno ku dhow xadka Ethiopia, iyadoo maleeshiyada al-Shabaab ay sidoo kale gudaha u galeen Ethiopia ilaa iyo 70 km.

Warkan waxaa Jigjiga ka soo diray wariyaha VOA, Maxamed Cabdiraxman Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso xogtii ugu danbeysay ee dagaalka ka dhacay gudaha Itoobiya