Minnesota: Wiil Soomaali ah oo meydkiisa laga helay gaari gubtay

Waxaa gobolka Minnesota laga helay meydka qof Soomaali ah oo baabuur uu ku gubtay, iyadoo aan la ogeyn in si ula-kac ah dadbka loo qabadsiiyay iyo in kale, laakiin bulshada Soomaalida ayaa hey’adaha amaanka oo kiiskan gacanta ku haya ku cadaadinaya in ay si dhab ah u baaraan.

Arrintan ayaa timid xilli isla toddobaadkan wiil Soomaali ah oo muddo kooban la la’aa meydkiisa laga helay wabiga Mississippi. Sidoo kale wali lama xaqiijin in wiilkan si bareer ah loo dilay iyo in geeridiisu ay shil ahayd.

Haddaba si aannu arrinta in badan uga ogaanno, wariyaheenna Jacfar Kuukaay ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Jaylani Hussein oo ah agaasimaha Hey’adda CAIR xafiiskeeda Minnesota, waxaanu ugu horreyn weydiiyay xogta uu arrintan ka hayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Wiil Soomaali ah oo meydkiisa laga helay gaari gubtay