Wareysi: Maxay tahay digniinta laga soo saaray ammaanka xaafadda Islii?

Wasiirka maaliyadda Kenya iyo ganacsatada Islii

Masuulyiinta Guddiga Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa ganacsatada iyo bulshada Soomaalida ee ku nool xaafaddaasi ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo la xiriirta dhanka ammaanka xilliga lagu gudo jiro ololaha iyo diyaar garowga doorashada madaxtanimada dalka Kenya oo hadda ka bilaabatay guud ahaan Kenya.

Cumar Ibraahim Xusein oo ah Xoghayaha guud ee guddiga Xaafadda Eastleigh ayaa digniinta dhanka amaanka ah uga waraya Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxay tahay digniin laga soo saaray ammaanka xaafadda Islii?