Soomaalida Sweden oo bilaabay olole carruurta looga badbaadinayo rabshadaha
LONDON —
Qaar ka tirsan waalidiinta Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo kaashanaya dowladda hoose ayaa xilliyadda habeenkii ah isku xilqaamay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa carruurtooda si looga hortago rabshadaha u dhexeeya dhalinyarada Soomaalida.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhacay dilalka dhalinyarada oo kamid ah dhibaatooyinka sida weyn u taabtay bulshada Soomaalida.
Haddaba wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa dadaaladan ay waalidiintu wadaan ka wareystay Cabdullaahi Maxamed Cabdullahi oo ka tirsan Gollaha Deegaanka ee magaalada Gothenburg oo Soomaali badan ay dagantahay.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysi: Soomaalida Sweden oo bilaabay olole lagu badbaadinayo carruurta