Dibad-baxyo ka socda dalka Canada oo sii xoogeystay

Dibad-baxyo xooggan oo ka socda dalka Canada ayaa sii xoogeystay, kuwaas oo ka dhashay go’aan kasoo baxay dowladda oo la xiriira xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Dowladda ayaa kusoo rogtay darawallada gaadiidka waaweyn ee u kala goosha Mareykanka iyo Canada inay qaataan tallaalka COVID-19 haddii kale aanay sii shaqeyn karin.

Dibad-baxyada ayaa waxaa kusoo biiray kooxo kale oo kasoo horjeeda xayiraadaha COVID-19, oo rumeysan inay xadgudub ku tahay xoriyadooda.

Wariyaha VOA ee dalga Canada Xuseen Nuur Xaaji, ayaa warbixintan Toronto noga soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dibad-baxyo ka socda dalka Canada oo sii xoogeystay