Booliska UK oo baaraya arrin lagu eedeeyay Ra'iisul Wasaare Johnson
LONDON —
Booliiska magaalada London ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan xafladii lagu qabtey aqalka madaxtooyda Britain ee Downing Street xilligii xayiraadda COVID-19 ay dalka saarneyd.
Taliyaha Ciidanka Booliiska marwo Cressida Dick ayaa sheegtay in baaritaankan ay ku sameyn doonaan in ay jiraan in la jabiyey shuruucdii xayiraada Covid19 iyo in kale.