Wareysi: Jeneraal Townsend, madaxa taliska AFRICOM

Taliyaha talista ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in halista dhinaca amniga ee qaaradda Africa ay sii kordheyso. Jeneraal Townsend ayaa sheegay in 12-kii bilood ee u danbeeyay ay korodhay halista kooxda al-Shabaab, wuxuuna ku macneeyay sababaha arrintaas ka danbeeysa iyadoo aanay jirin cadaadis badan oo la saaray al-Shabaab sannadkii la soo dhaafay, dhaq-dhaqaaq la’aanta ciidamada AMISOM, xanuunka COVID-19 iyo waliba qalalaasaha siyaasadeed ee Somalia ka jira.

Weriyaha VOA ee Pentago-nka Carla Babb ayaa wareysatay Jeneral Townsend, waxaa soo koobaya Sahra Cabdi Axmed iyo Cabdixakiim M. Shirwa.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Gen. Townsend