Shir loogu qareemayo waxbarashada gabdhaha oo ka dhacay Dhadhaab

Shir looga hadlayay horumarinta waxbarashada gabdhaha degaanka Dhadhaab iyo kuwa xeryaha qaxootiga ee isla Dhadhaab laguna soo bandhigayay u qareemidda waxbarashada gabdhaha ayaa lagu qabtay magaalada Dhadhaab ,waxaana shirkan ka soo qaybgalay mas'uuliyiin ka socday waxbarashada Dhadhaab, guddiga xeryaha qaxootiga, maamulayaasha iskuulada degaanka iyo xeryaha qaxootiga iyo waalidiin.

Shirkan waxaa soo qabanqabisay hay'adda NOMAD LINK KENYA oo ka shaqaysa arimaha waxbarashada, taas oo ay aas-aaseen dhalinyaro ka soo jeedda gobolka Waqooyi Bari.

Warbixintan waxaa Dhadhaab ka soo diray wariyaha VOA-da Axmed-nuur Maxamed Cabdullahi Yogol.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso waxbarashada gabdhaha Dhadhaab