Rag hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Booranta oo afar Soomaali ah ku dilay Wajeer

Afar qof ayaa ku dhintay deegaan ka tirsan maamulka Wajeer, kaddib markii sida la sheegay rag hubeysan ay weerareen tuullo ay dagan yihiin Soomaali ah, waxaana la sheegay in ragga weerarka ka dambeysay ay ka tirsan yihiin qowmiyadda Boorantan.

Waxaana la sheegay inay ka soo tallaabadee deeggaanka Marsabid oo ku yaalla waqooyi Kenya. Qalaasaha u dhaxeeyay labada qowmiyadooda ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ku dhintay 12, iyadoo boqolaal qofna ay ku barakaceen.

Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire ayaa faahfaahinta warkaasi ka soo diray magaalada Garissa.

Your browser doesn’t support HTML5

Maleeshiyo ka tirsan qowmiyadda Booranta oo afar Soomaali ah ku dishay Wajeer