Dibadbax lagu dalbanayay baaritaanka dilkii Sheekh Maxamed Xasan oo ka dhacay Mareykanka
WASHINGTON —
Boqollaad dad ah oo isugu jiray Soomaali, Muslimiin kale iyo dad aan Muslimiin ahayn ayaa shalay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ku qabtay dibadbax ay uga soo horjeedaan dilka Imaam Maxamed Xasan Aadan, isla markaana ay ku dalbanayaan in baaris run ah lagu sameeyo kiiskiisa.
Sheekha ayaa shalay lagu aasay magaalada Columbus kadib todobaad markii meydkiisa la helay.