Lacagta Liirada Turkiga oo dib u soo ceshaneysa qiimaheeda

Lacagta Turkiga ee Lira

Kaddib marki ay bilihi lasoo dhaafay lumisay qiimo aad u sarreeyay, ayay todobaadkaan lacagta Liirada Turkiga konton boqolkiiba qiimaheedu kor u soo kacay marka loo eego sarrifka lacagta doollarka.

Sare u kacan taariikhiga ah ee Jimcihi ku dhacay Lirada ayaa timid kaddib marki ay dowladda Turkiga suuqa gelisay balaayiin doollar Mareykanka ah, iyo sidoo kale ballanqaadyo la xiriira in dowladda kabeyso lacagaha dadka uga lumo marka ay soo xareeyaan doollarka oo ay qaadanayaan liirada.

Haddaba arrimahan ayaa Nur Hassan Nur, uu ka wareystay Abdiwali Maxamed Sayid oo arrimaha dhaqaalaha ka bartay Jaamacadda Istanbul, kana tirsan hey’adda cilmi-baarista iyo daraasaadka Bariga Africa ee fadhigeedu yahay Istanbul.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran