Warbixin ku saabsan xiisadda militari ee ka taagan xuduudda Ruushka iyo Ukraine

Markale ayaa waxaa xaaladi ka taagantahay xadka u dhaxaysa wadamada Ruushka iyo Ukrain, iyada oo Mareykanka, Midowga Europe iyo Ukraine ay walac weyn ka muujiyeen ciidamo la sheegay inay Moscow soo dhoobtay xuduuda u dhaxaysa labada dal.

Unugyo ka tirsan guutalada 41-aad ee Ruushka ayaa wali kusugan magaalada Yelna oo 260 KM u jirta soohdinta waqooyiga Ukraine. Wasaaradda difaaca ee dalkaasi ayaa sheegay in bishii lasoo dhaafay ay 90,000 oo ka mid ah malitiariga Ruusku ku sugan yihin bariga Xuduuda Ukrain.

Warbixin ku saabsan xaaladdaas waxaa inoo soo diyaariyay wariyaha VOA Abdulxaafid Cawil Cismaan oo ku sugan magaalada London.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin xuduudda Ruushka iyo Ukraine