Manchester United oo ceyrisay tababare Ole Gunnar Solskjaer

Ole Gunnar Solskjaer

Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ayaa shaqada tababarenimo ka ceyrisay Ole Gunnar Solskjaer kadib guul-darradii xooganeyd ee Sabtidii ku dhacday iyo hal guul oo kaliya toddobadii kulan ee ugu dambeeyey.

“Manchester United waxay ku dhowaaqeysa in Ole Gunnar Solskjaer uu ka tegay xilkiisa macallinimo ee kooxda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda.

“Ole waxa uu weligiis ahaan doonaa halyey Manchester United, waxaan aad uga xunnahay inaan gaarnay go’aankan adag.”

Kooxda ayaa sheegtay in kulamada soo socda uu tababare kooxda usii ahaan doono Michael Carrick oo ka mid ahaa tababarayaasha ka hoos shaqeynayey Ole, illaa laga magacaabayo tababare ku-meel gaar ah oo xilli cayaareedka dhammeeya.

Kooxda Watford oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya kala horeynta horyaalka Premier League ayaa habeenkii Sabtida 4-1 kaga adkaatay Manchester United.

Kahor kulankaas waxaa kooxda 2-0 ku garaacday Manchester City, ayada oo toddobaadyo kahorna guul-darro xooggan oo 5-0 ah ay kala kulantay kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool.