Diyaaradaha Ethiopia oo duqeeyey caasimadda Tigray

Dalka Itoobiya waxaa weli socda coladada u dhaxaysa dawladda iyo mucaaradka Tigray, oo toddobaadkii tegay mar kale dib u xoogeysatay.

Dagaalladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacayey toddobaadkan gobolka Amxaarada, sida ay soo tebinayaan wakaaladaha wararkuna, duqayn ayey shalay ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Makelle ee gobolka Tigray caasimadda u ah.

Warbixinn ay qoreen VOA iyo wakaalada wararka Reuters waxaa inoo soo koobaysa Falastiin Axmed Iimaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Diyaaradaha Ethiopia oo duqeeyey caasimadda Tigray