Soomaali ku jirtay xeryaha Dhadhaab oo dib ugu laabtay Itoobiya
DHADHAAB —
Qoysas ku jiray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dalka Kenya kana soo jeeday dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dib ugu laabtay degaankaas kadib markay sanado badan ay ku noolayaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Qoysaskan ayaa si iskood ah u dalbaday ku noqoashada degaankaas, waxaana celintooda gacan ka gaystay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.