Qoyska Prof. Cabdiwahaab oo ka walaacsan xaaladdiisa
Prof. Cabdiwahab
NAIROBI —
Ehalada Professor Cabdulwahab Sheekh Cabdisamad oo todobaadkii hore laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi ayaa aad uga walwalsan xaaladdiisa, taas oo aan ilaa iyo hadda wax war laga haynin.
Qoyska Prof. Cabdiwahab, ayaa wada baadigoobka halka uu suggan yahay, mana jiro Ilaa iyo hadda wax war ah oo afduubiisa la xiriira oo kasoo baxay dowladda Kenya.