Gaajo iyo macluul soo foodsaartay malaayiin Soomaali ah oo ku nool Kenya
GARISSA —
In ka badan laba milyan oo Kenyan ah oo ku nool gobalada Waqooyiga Kenya ayaa waxaa soo food saartay gaajo iyo macaluul baahsan, kaddib markii abaaro aad u daran ay ku dhaceen gobolladaas.
Dowladda Kenya ayaa shaacisay in haddii aysan soo bilaaban roobabkii bisha October ay dhici karto in dad badan ay gaajo u dhintaan.