Tirada dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si weyn u korortey, waxaana jirta tiro dad ah oo uu dhintay xanuunkan 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Tirada dhimashada ayaa saraakiisha gobolka ay ku sheegeen inay gaartay 100, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay walaac ka muujisay.