Maxkamadda Racfaanka Kenya oo diiday qorshihii Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga
NAIROBI —
Maxkamadda Racfaanka Dowladda Kenya ayaa diiday, kuna tilmaantay sharci darro qorshe ay Madaxweyne Uhuru iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Wadankaasi ay ku doonayeen inay wax uga badalaan Dastuurka Kenya, kaasoo soo jiitamayay sadexdii sano ee lasoo dhaafay.
Hindisahan ay Maxkamaddu is-hortaagtay ee BBI ayaa waxaa qodobada ku jIray kamid ahaa in dalka Kenya uu yeesho jagada Ra’iisal Wasaare, inka badan 70 xildhibaan oo cusub iyo qodobo kale.