Sacuudiga oo taageeray tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha Tunisia

Kais Saied

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa taageero u muujisay madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied oo dhowaan qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo dadka qaar ay ku macneeyeen afgambi.

Madaxweyne Kais Saied ayaa eryay xukuumaddii, kala diray baarlamaankii isaga oo taageero ka helaya ciidamada.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Tunisa, waxayna ugu baaqaday beesha caalamka inay garab istaagaan midnimada dalkaas, oo ay ixtiraamaan madax-banaanida dalkaas.

Warbixintan waxaa Qaahira kasoo diray Xuseen Saxnuuni.

Your browser doesn’t support HTML5

Sacuudiga oo taageeray tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha Tunisia