Talyaaniga iyo Spain oo u soo gudbay semi-finalka koobka Euro 2020

Xulka K/cagta Talyaaniga ayaa u soo gudbay Semi-finalka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, kaddib markii uu 2-1 uga adkaaday xulka Belgium, iyadoo goolasha qeybtii hore ay kala dhaliyeen Nicolo Barella iyo Lorenzo Insigne, halka Belgium uu gool rigoore ah u dhaliyay Romelu Lukaku.

Xulka Spain ayaa isna rigooreyaal 3-1 ah uga badiyay Swetzerland, kaddib markii 120 daqiiqo ay labada xul isla dhaafi waayeen 1-1.

Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa Talaada ka hortagi doona xulka Talyaaniga ee macalliin Robert Mancini.

Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa inoo haya warbixintii ugu dambeeyay ee koobkaas.

Your browser doesn’t support HTML5

Talyaaniga iyo Spain oo u soo baxay semi-finalka koobka Euro 2020