Calanka Soomaaliya oo laga taagay xarunta looga taliyo Toronto
Calanka Soomaaliya
TORONTO —
Xarunta looga taliyo magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shalay laga taagay calanka Soomaaliya, iyadoo lagu wayneynayo toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.
Sidoo kale Soomaalida gobollada Ontario iyo Manitoba ee Canada ayaa gudagalay toddobaadka taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida oo baarlamaannada labadaasi gobol ay ansixiyeen in toddobaadkaas uu noqdo mid Soomaalida u gaar ah.
Wariyaha VOA ee dalka Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixin arrinkaas ku saabsan ingoo soo diray magaalada Toronto.
Your browser doesn’t support HTML5
Calanka Soomaaliya oo laga taagay xarunta looga taliyo magaalada Toronto