QM oo Eritrea ku eedeysay inay ku lug leedahay colaadda Tigray

Dad u baroor diiqaya geerida shacab lagu eedeeyey inay dileen ciidanka Eritrea ee gobolka Tigray

Warbixin loo gudbiyay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dowladda Eritrea inay ku lug leedahay colaadda Gobolka Tigray ee Ethiopia iyo inay ku kacday xad gudubyo ka dhan ah bani’aadnimada, kuwaas oo loo geystay dad Eritrean ah oo magangelyo ahaan ku joogay gobolka Tigray.

Warbixintan ayaa waxaa soo saaray ergeyga gaarka ah ee xaaladda xuquuqda aadanaha ee Eritrea, Mohamed Abdelsalam Babiker, oo ku cusub shaqadan, inkasta oo uu sanadkii 2017-kii ka mid ahaa kooxd dabagalka QM ee dalkaasi cunaqabateyn kusoo rogay ayaa soo saaray warbixintiisuu ugu horreysay.

Wariyaha VOAda Lisa Schlein ayaa warbixintan uga soo dirtay magaalada Geneva, waxaana soo koobaya Maxamed Bashiir Cabdiraxman.

Your browser doesn’t support HTML5

QM oo Eritrea ku eedeysay inay ku lug leedahay colaadda Tigray