Maxaa laga filan karaa kulanka maanta ee Biden iyo Putin?

Madaxweyneyaasha dalalka Ruushka iyo Mareykanka Joe Biden iyo Vlademir Putin ayaa maanta oo Arbaca ah yeelanaya kulankii ugu horreeyay oo fool-ka-fool ah, tan iyo markii uu Joe Biden noqdey madaxweynaha Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi sheegay in aan wax badan laga filan shirkan marka la eego halka ay Moscow iyo Washington kala taagnaayeen sannadihii ugu danbeeyey.

Laakiin labada hoggaamiye ayaa sheegay in ay rajeynayaan in kulanka ay maanta ku yeelanayaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu horseedi doono xiriir xasiloon, waloow ay labada dhinac isku maandhaafsan yihiin arrimo badan sida; Syria iyo Ukraine.

Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail ayaa kulanka iyo waxyaabaha laga fili karo ka wareystay, Mohammed Haaruun Biixi oo bartay xiriirka caalamiga ah.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaa laga filan karaa kulanka maanta ee Joe Biden iyo Vladmir Putin?