Wareysi: Bilan Cali oo sharraxeysa sababtii shirkadda JBS ugu diiday soonka iyo salaadda

Dalkan Mareykanka shirkadda labaad ee ugu weyn warshadeynta nuucyada kala duwan ee hilibka ayaa lagu xukumay inay siiso magdhaw lacageed oo gaaraya 5.5 milyan oo dollar shaqaale Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaas oo ka shaqeynayay warshad ay shirkaddan ku leedahay waqooyiga gobolka Colorado.

Dadkii u shaqeynayay shirkaddaas ee shaqada laga eryay waxaa ka mid ahayd Bilan Cali.

Wariyaha VOA ee Washington Caasha Ibrahim Aden oo khadka Whatsapp ku wareysatay iyadoo joogta Colorado ayaa ugu horreyn weydiisay xilliga ay shaqada ka tagtay iyo wixii xilligaasi dhacay.

Your browser doesn’t support HTML5

Bilan Cali oo sharraxeysa sababtii shirkadda JBS ay ugu diiday soonka iyo salaadda