Horyaal uu soo abaabulay NBA-da oo 12 koox oo African ah uga furmay Kigali

Horyaalka African Basketball League (BAL), oo socon doona laba toddobaad ayaa 12 koox Axaddii uga furmay magaalada Kigali, ee caasimadda Rwanda, sanad kadib markii horyaalkaas waqtigii la furi lahaa dib loogu dhigay COVID-19 dartiis.

Cayaartii ugu horeysay ee horyaalka ayaa dhex martay kooxda Patriots Basketball Club ee Rwanda iyo kooxda Rivers Hoopers Basketball Club ee Nigeria, waxaana 83-60 ku adkaatay kooxda Patriots.

Horyaalka BAL ayaa markii hore la qorsheeyey inuu 13-kii March 2020 ka furmo magaalada Dakar ee dalka Senegal, waxaase la hakiyey markii caalamka uu ku faafiyey cudurka Coronavirus.

Tartanka ayaa ku yimid iskaashi ay sameeyeen horyaalka Mareykanka ee NBA iyo xiriirka caalamiga ah ee kubadda koleyga ee IBF.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee NBA uu horyaal kaga aas-aasayo meel ka baxsan Waqooyiga America.

Waxaa tartanka ka qeyb galaya 12 koox oo ka kala socda 12 dal oo African ah, kuwaas oo kala ah Algeria, Angola, Cameroon, Egypt, Madagascar, Mali, Morocco, Mozambique, Nigeria, Rwanda, Senegal iyo Tunisia.

Haddaba waa kuwan 12-ka koox ee tartanka ka qeyb-galaya, dalalka ay ka socdaan, group-yada ay ku jiraan, iyo xiddiga ugu wanaagsan koox walba.

Group A

1. US Monastir (Tunisia), xiddiga ugu wanaagsan waa Ater Majok
2. Rivers Hoopers (Nigeria), xiddiga ugu wanaagsan waa Ben Uzoh
3. Patriots (Rwanda), xiddiga ugu wanaagsan waa Aristide Mugabe
4. GNBC (Madagascar), xiddiga ugu wanaagsan waa Cameron Ridley

Group B

1. Petro de Luanda (Angola), xiddiga ugu wanaagsan waa Aboubakar Gakou
2. AS Salé (Morocco), xiddiga ugu wanaagsan waa Eric Kibi.
3. AS Police (Mali), xiddiga ugu wanaagsan waa Badra Samake.
4. FAP (Cameroon, xiddiga ugu wanaagsan waa Ebaku Akumenzoh.

Group C

1. Zamalek (Egypt), xiddiga ugu wanaagsan waa Anas Osama Mahmoud.
2. AS Douanes (Senegal), xiddiga ugu wanaagsan waa Chris Cockley.
3. GS Pétroliers (Algeria), xiddiga ugu wanaagsan waa Mohamed Seddik Touati.
4. Ferroviário de Maputo (Mozambique), xiddiga ugu wanaagsan waa Alvaro Calvo Masa