Jaamacadda Carabta oo cambaareysay xadgudubyada Israel ee Falastiiniyiinta

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shalay cambaareeyey xadgudubyada Israel ay ka waddo dhulka Falastiin, waxaana ururkan uu ku baaqay in Israel lagala xisaabtamo xadgudubyada ay u geysaneyso dadka reer Falastiin.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa waxaa magaalada Qaahira ka soo diray wariyaha VOAda Xuseen Cusmaan Saxnuuni.