Nairobi: Soomaali hirgelisay adeeg Taxi oo u shaqeeya sida Uber
Catch Taxi
NAIROBI —
Aqoonyahanno iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka hirgaliyay adeeg cusub oo nooca gaadiidka gaarka ah ee ay dadku adeegsadaan ah.
Shirkaddan oo lagu magacaabo Catch Taxi ayaa ka hawlgasha guud ahaan caasimadda Kenya ee Nairobi iyadoo ay tani noqonayso shirkadii ugu horrayso oo u shaqeysa nooca Uber-ka oo kale oo ay Soomaalidu ka hirgaliyaan dalkaasi Kenya.