Canada: Dugsi sare oo loogu magac daray Hodan Naaleeye

Hodan Naaleeye

Hodan Naaleeye

Guddiga waxbarashada ee degmada York ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa habeennimadii Talaadada ee 2-da bishan March, si rasmi ah u ansixiyay in dugsiga sare ee Vaughn (Vaan) loo baddelo magaca dugsiga sare ee Hodan Naaleeye.

Toban ka mid ah 12 xubnood ee gudigaas ayaa u codeeyey Hodan Naaleeye magaceeda in lagu bedelo kii hore uga jirey dugsiga sare ee-Vaan.

Hodan ayaa waxay aheyd gabar Somali Canadian ah, oo bishii July sanaddii 2019 lagu dilay weerar lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Jubaland.

Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan kasoo direy Canada.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhagayso warbixinta Dugsiga