Saameynta Dhaqaale ee Hakinta Qaadka Kenya

Ganacsatadii Soomaalida ee qaadka gayn jiray dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dadkii ka shaqeysan jiray qaadka ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu aad u saameeyay khilaafka siyaasadeed ee dowldaha Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku joojisay qaadkii laga soo dhoofin jiray Kenya.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in ay xiligan aad uga walaacsan yihiin nolasha qoysaskooda maadaama ganacsigii ay ku tiirsanaayeen uu ka istaagay, aananna la ogayn xilliga kale ee dib loo furi doono.

Warbixintan waxaa Nairobi ka soo diray, Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta ganacsatada qaadka u dhoofin jiray Soomaaliya