Madaxweyne Muuse Biixi oo booqasho ku tegay Djibouti

Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Djbouti.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashadan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan booqasho uu Biixi ku tagay Kenya ay xiisad siyaasadeed ka dhex dhalisay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana toddobaadkan Djibouti ka dhacay kullan ay lahaayeen madaxda urur goboleedka IGAD.

Wariyaha VOA-da Khadar Cakulle ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Muuse Biixi oo booqasho ku tegay Djibouti