Weerar afar qof lagu dilay oo ka dhacay magaalada Vienna
VIENNA —
Afar qof ayaa la xaqjiiyey in ku dhinteen weerar uu ra’iisal wasaaraha dalka Austria ku tilmaamay mid argagixiso oo ka dhacay magaalada Vienna.
Booliiska ayaa toogasho ku diley qofkii looga shakisnaa in uu weeararka soo qaadey, waxaanay ahayd uun xilliga weerarku dhacay iyada oo dad badani ka faa’ideysanayeen saacado uga hadhsanaa xayiraado magaalada lagu soo rogay.