Saameynta Xanuunada Maskaxda ee Soomaalida Qurbaha

Khabiir caafimaad oo sharxeysa habka maskaxda bani'aadamku u shaqeyso

Maanta oo kale, sanad walba, adduunka waxaa looga dabbaal-degaa maalinta caafimaadka maanka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka Dunida ee WHO, ku dhowaad 1 bilyan oo qof ayaa la nool cudurrada maskaxda.

Waxa ay intaasi ku dartay in 3 milyan oo qof ay sanad kasta u dhintaan isticmaalka halista ah ee khamriga, iyadoo uu 40-kii ilbiriqsiba uu hal qof is-dilo. Haatanna, balaayiin dad ah oo adduunka ku nool ayaa waxaa saameeyay cudurka COVID-19, kaas oo saameyn dheeraad ah ku leh caafimaadka maskaxda ee dadka.

Haddaba, qaabka xanuunnadan maskaxda ku dhaca ay u saameeyso bulshada Soomaalida iyo dadka reer galbeedka ma kala duwan yahiin? Waxaa warbixin arrintan ka hadleyso magaalada London noogu diyaariyay wariyaha VOA, Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Your browser doesn’t support HTML5

Warixin: Xanuunada ku dhaca dhimirka