Duulimaadkii ugu horeeyay ee Israel iyo Imaaraadka oo billowdey

Diyaarad laga leeyahay Israel, siddayna saraakiil ka socota waddamada Maraykanka iyo Israel ayaa ka kacday magaalada Tel Aviv iyadoo ka degtay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Duulimaadkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee diyaaradaha ee sida tooska ah u dhexmara labada waddan tan iyo intii ay soo ceshteen xiriirka laba toddobaad ka hor. Diyaaraddan ayaa dalka Sucuudigu u ogolaaday inay hawadeeda kor marto.

Xuseen Barre Aadan ayaa warbixintan inoo haya.

Your browser doesn’t support HTML5

Duulimaadkii ugu horeeyay ee Israel iyo Imaaradka oo billowdey