USA: Kumanaan isugu yimid xuska isu-imaatinkii taariikhiga ahaa ee Washington

Kumanaan dadweynaha Maraykanka ayaa Jimcadii shalay isugu soo baxay caasimadda Washington iyaga oo xusaya sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay isu soo bixii taariikhiga ahaa ee ay dadka Madow ee Maraykanka ah ku dalbanayeen caddaaladda iyo sinnaanta.

Socodkaas waxaa hoggaaminayay Martin Luther King Jr. oo ahaa halgamaa u dagaalami jiray xuquuqda dadka madow ayaa waxaa uu halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhda gashay oo uu ku cabbiray in uu ku riyoonayo dal loo siman yahay.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo diyaariyay Xuseen Barre Aadan.

Your browser doesn’t support HTML5

Isu soo baxa Washington