Kenya: Gobollada Soomaalida oo la rabo in dhaqaalaha laga jaro

Dalka Kenya waxaa ka tagan dood ku saasbsan in hoos loo dhigo dhaqalaha ay dowladda siiso goballada Waqooyiga oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida.

Mooshin arrintan la xiriira ayaa horyaalla Aqalka Senate-ka Kenya, waxaana haddii la meel-mariyo ay gobolladan weyn karaan in ka badan 30% dhaqaalaha ay dowladda siiso.

Dhaqaalaha laga soo goynayo gobolladan ayaa la doonayaa in la siiyo gobollo kale, oo la sheegay inay ka dad badan yihiin kuwa Soomaalida.

Arrintan ayaa waxaa aad uga carrooday xildhibaanada Soomaalida ee laga soo doorto gobollada Waqooyi, oo sheegay inaysan marna aqbali doonin.

Si kastaba, Aqalka Senate-ka ayaa hadda joojiyey ka doodista mooshinka.
Warbxintan waxaa magaalada Gaarisa kasoo diray Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Kenya: Gobollada Soomaalida oo la rabo in dhaqaalaha laga jaro