Sidee lagu xallin karaa muranka ka taagan biya-xireenka wabiga Nile?

Dowladda Masar ayaa sheegtay in aan wali heshiis laga gaarin xiisadda Wabiga Nile xilli ay dib u bilowdeen wadahadal u dhaxeeya Sudan, Masar iyo Ethoipia.

Saddexdan dal ayaan heshiis ka gaarin dhowr mar oo hore oo ay yeesheen wadahadallo ku aadan dhismaha biya-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso wabiga Nile.

Ethiopia ayaa ku doodeysa in mashruucan ay koronto kaga dhalineyso biyo-xireenkan uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda.

Halka Masar ay u aragto biya-xireenkan inuu yareyn doono biyaha Masar ay ka hesho webiga Nile, oo bixiya in ka badan 90% biyaha ay cabaan, islamarkaana isticmaalaan boqolka milyan ee dalkaas ku nool.

Haddaba, khilaafkani malagu xallin karaa wadahadallada haatan u socda Masar, Suudaan iyo Itoobiya? Halkee ayey kala taagan yihiin waddamada uu ka dhexeeyo murankan biyaha Nile?

Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa warbixintan umuurtaasi ku eegaya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Wadahadallada biya-xireenka wabiga Nile