Saameynta Soomaalida ee aflaanta caalamiga ah oo sii kordhaysa

Ahmed Farah

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii xoogaysanayay saamaynta ay Sooomaalidu ku dhex leeyihiin xarumaha caalamiga ah ee samaynta aflaanta, kuwaas oo loo jilo qaab heer caalami ah.

Waxaa arrimahaas door weyn kaga jira rag iyo dumar Soomaaliyeed oo markii hore qurba joog ahaa balse dalka iyo Geeska Africa dib ugu soo laabtay.

Axmed Faarax, oo kamid ah ragga mudada badan qurbaha ku noolaa sidoo kalena mihnadda Warbaahinta dhanka duubista muddo badan kusoo dhex jiray, ayaa ku guuleystay inuu sameeyo aflaan loo duubayo qaab heer caalami ah islamarkaana ay ka qayb galayaan in ka badan 300 oo qof.

Aflaantaasi ayaa waxaa ka mid ah Filimka Ayaanle oo haatan lagu jilayo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, islamarkaana ka hadlaya xaaladda nolasha Soomaalida Islii iyo falalka argagixisada.

Axmed ayaa magaalada Nairobi ugu warramay wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Saameynta Soomaalida ee aflaanta caalamiga ah oo sii kordhaysa