Iskuullada dowladda ee Minneapolis oo xiriirka u jaray booliska

Guddiga waxbarashada ee dugsiyada dawladda ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay xidhiidhkii wada shaqaynta ay u jareen, hay’adda booliska magaalada.

Guddoomiyaha gudiga waxbarashada Minneapolis Siyaad Cali, ayaa VOA-da u sheegay inay booliska ka joojiyeen lacag laba million oo dollar ah oo ay sanadkii siin jireen.

Siyaad Cali ayaa sheegay inay talaabadaasi qaadeen kadib markii ay soo noqnoqdeen eedaymaha xadgudubka la xidhiidha ee ay booliska kula kacayaan muwaadiniinta Maraykanka.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa khadka teleefonka ee Minnesota kula xidhiidhay Siyaad Cali, waxaana uu ugu horrayn ka hadlayaa go’aanka ay qaateen gudiga uu hogaamiyo.

Your browser doesn’t support HTML5

Iskuullada dowladda ee Minneapolis oo xiriirka u jaray booliska