IGAD oo ku baaqday in la kordhiyo dagaalka Ayaxa

Masuulyiinta dalalka Urur Gobbolleedka IGAD, oo ka walaacsan dhibaatooyinka Ayaxa uu ku haya dallagyada beeraha ee wadamadaasi, ayaa ku baaqay in lasii laba laabo daddaallada lagula dagallaamayo dhibaatooyinka uu Ayaxu xilligan ka gaysanayo dalalkaasi.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli kumanaan beeralley ah ay isku diyaarinayaan inay beertaan dallagyada beerahooda ee dalal badan oo ah kuwa ka tirsan ururka IGAD.

Ayaxa ayaa bilihii tegay dhibaato xooggan ku hayay dalalka ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo mowjado ayaxa ah ay ku habsadeen, ayaga oo waxyeello xooggan gaystay.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warkan kasoo diray Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

IGAD oo ku baaqday in la kordhiyo dagaalka Ayaxa