Shiinaha oo beeniyey xatooyo uu ku eedeeyey Mareykanka

Zhao Lijian

Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyey inay u gefayaan kadib markii Washington ay sheegtay in kooxo internet-ka jabsada oo Shiinees ah ay isku dayeen inay xadaan cilmi-baaris la xiriirta horumarinta talaalka cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in kooxahan internet-ka jabsada ay isku dayeen inay helaan xog la xiriirta tallaalka iyo daweynta coronavirus, ayaga oo ka digay isku dayadan oo ay ku lug leeyihiin kooxo ku xiran dowladda Shiinaha.

FBI-da Mareykanka iyo Hay’adda Amniga Internet-ka ayaa sheegay in dadaallada Shiinaha “ay halis muuqata” ku yihiin jawaabta Mareykanka ee COVID-19.

“China waxay si xooggan u muujineysa inaysan ku qanacsaneyn, kana soo horjeedoo gefka noocan ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian, oo shir jaraa’id ku qabtay Beijing.

Zhao ayaa sheegay in Beijing ay guulo u gaar ah ka sameysay dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus.

Si kastaba, Zhao ayaa sheegay in ficil kasta oo Online ah oo lagu waxyeeleynayo dadaallada socda ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 ay tahay in la cambaareeyo.

Mareykanka iyo Shiinaha, oo horey ay uga dhaxeysay xiisad dhanka ganacsiga ah ayaa marar badan hadallo kulul isku dhaafsaday cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa ayaa horey Beijing ugu eedeeyey inay qarisay xogta cudurkan, taasi oo sida ay sheegeen gacan ka gaysan lahayd in cudurka laga hortago inta uusan ku faafin caalamka, eedeyntaas oo Beijing ay beenisay.

AFP