Saameynta amarka Trump uu ku yeelan karo Soo-galootiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay saxiixay mara madaxweyne oo muddo 60 cisho ah xayiraad kusoo rogaya codsiyada dadka doonaya inay dalbadaan sharciga degenaanshaha Mareykanka ee Green Card-ka loo yaqaan.

Trump waxa uu sheegay in amarkan uusan saameyn doonin dadka shaqaalanimada muddada kooban ah kusoo galaya Mareykanka.

Waxa kaloo uu sheegay in amarkan uu muhiim u yahay si loo difaaco shaqaalaha Mareykanka oo mar horeba uu saameeyay xanuunka COVID-19, kaasi oo shaqooyin badan ay ku lumeen.

Haddaba saameynta uu amarka Madaxweyne Trump ku yeelan karo soo galootiga, ayaa wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Imaan waxay ka warreysatay garyaqaan Amiin Haruun oo ka mid ah sharciyaqaanada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Saameynta amarka Trump uu ku yeelan karo soo-galootiga