Jabuuti: 141 qof oo maanta laga helay COVID-19

covid test

Dowladda ayaa maanta mar kale shaacisay tirada dad ay ka heleen xanuunka COVID-19, ayada oo la diiwaan geliyey 141 kiis oo cusub.

141-ka qof ee cudurka laga helay ayaa ka mid ahaa 1,560 qof oo cudurka laga baaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada guud ee dadka cudurka laga helay ayaa gaareysa 732 qof, ayada oo cudurka laga baaray 6,550 oo qof.

Maxamed Colaad Xassan ayaa faah-faahinta weydiiyay wariyaha VOA-da Sagal Saciid Faarax, oo uu khadka taleefanka kula xiriiray.

Your browser doesn’t support HTML5

Jabuuti: 141 qof oo maanta laga helay COVID-19