Xaaladda Soomaalida dalka Libya oo dagaal uu ka socdo

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay dagaal xooggan ayaa ka socday bartamaha magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay iyo kuwa daacadda u ah Jeneral Khalifa Haftar ee fadhigoodu yahay Bariga Libya.

Hugunka hubka culus iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada Tripoli.

Tripoli waxey marin u tahay tahriibayaasha hadafkoodu yahay ka gudbista badda medatareeniyanta si ey u galaan Yurub, waxaana ka mid ah dad Soomaali ah.

Hadaba xaaladda ay ku suganyihiin Soomaalidaa ayuu Maxamed Colaad Xassan weydiiyay Danjire, Muxuddiin Maxamed Kaalmooy, safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya, oo marka hore ka hadlaya dagaalka Tripoli.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Soomaalida dalka Libya oo dagaal uu ka socdo